Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo Muqdisho Ka Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene ayaa maanta daahfuray madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo muddo labo maalin ah ka socon doonta magaalada Muqdisho.
Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Dhiiragelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliye ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowlada Sudan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Sudan, Ahlam Madani Mahdi, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal.
Ujeedka madashan ayaa ah is dhaxgalka ganacsatadda labada wadan kaasoo ku qotoma walaaltanimo iyo iskaashi iyadoo lagu kala saxiixday is fahan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, sida uu gabagabadii shirka uu ka sheegay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Madashu waxay ka tarjumaysaa xiriirka adag ee taariikhiga ah ee laba geesoodka ah, waxa ayna fursad aad u wanaagsan siin doontaa maalgashatada Suudaan si ay ula falgalaan hay’adaha dowladda iyo dhiggooda Soomaaliyeed.
337063032_875448303496116_61335428163118
337085652_515650977394593_18409136411206
336692611_3507054229619542_7922945592862
336772310_192568336813721_49270906006256
336693557_3400098380309621_6277889895468
+12
All reactions:

38Simoonita Faraxsan and 37 others

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this