Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo sheegay in uu filayo in Talaadad la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday.

Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xiri doono Talaadada toddobaadkan.”

Farriin ay wakaaladda wararka AP u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin. Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaabin mar ay AP wacday si ay arrintan uga hadlaan.

Trump ayaan soo bandhigin faahfaahinno ku aaddan sida uu ku ogaaday in la xiri doono. Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guuleystay musharraxii Dimuqraadiga Joe Biden ay ahayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay in ay bannaanbaxaan.

Saraakiisha amniga ee magaalada New York ayaa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump.

PUNTLAND POST

The post Trump oo sheegay in uu filayo in Talaadad la xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this