Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan cusub tababar ugu soo xiray Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   
4a041997-4007-40e8-a3f9-23a165261f0e.jpg

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ee magaalada Kampala, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidanka qaranka Soomaaliya ay si naf hurnimo leh u wajahayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxay dhiiggooda u hurayaan xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Uganda ku sugan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinka kna tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo la wadaagaya guulaha ay dagaalka Al-Shabaab ka gaareen ciidanka qaranka ee ka dagaalamaya gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliya iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababarkii ay dowladda Uganda siisay u soo xiri doona ciidankaan ka tirsan xoogga dalka, in kastoo aan tiradooda la shaacin, hadana ciidankaas waxay dalka Uganda ku sugnaayeen ugu yaraan 3-dii bilood ee lasoo dhaafay.

ed05ea83-828f-4ed9-ab81-f0c0c887b326.jpg 4a041997-4007-40e8-a3f9-23a165261f0e.jpg Xasan-Sheekh-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan cusub tababar ugu soo xiray Uganda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this