Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi heer federaal ah oo gaaray magaalada Garoowe + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1679146805533.jpg?fit=720%2C480&s

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo wafdiga uu horkacayo oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan hay’adda ayaa waxa garoonka Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland.

Ujeedka safarka guddoomiyaha hay’adda maareynta masiiboyinka Qaranka ayaa u daaran sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen shacabka ku barakacay dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hay’adda maareynta masiiboyinka Qaranka (SODMA) ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ka soo dejisay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi.

SODMA ayaa dhowr jeer diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood, ayada oo garab istaag u muujisay bulshada uu saameeyay dagaalkaasi.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200,000 oo qof.
FB_IMG_1679146796577.jpg?resize=696%2C46
FB_IMG_1679146799240.jpg?resize=696%2C80
FB_IMG_1679146801517.jpg?resize=696%2C46
FB_IMG_1679146805533.jpg?resize=696%2C46

The post Wafdi heer federaal ah oo gaaray magaalada Garoowe + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this