Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaalka magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan oo tan iyo saaka ka socday jiidda dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ayaa mar kale dib u qarxay Galabta.

Ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa sida la xaqiijinayo saacado badan ku dagaallamaya jihada bari ee Laascaanood.

Dagaalka labada dhinac oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ayaa ilaa iyo saaka waaberkii ka socday jihadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay subaxnimadii hore ee saaka weerarka bilaabeen balse dib loogu riixay Taliska Gooja-cadde.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this