Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaanadii weynayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi oo goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Boorama.

Aamiina waxa ay ka mid hablihii fanka ku biiray badhtamihii 1960-yadii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste .

Riwaayadaha ay jishay , waxa ka mid ahaa Gaal iyo Muslim  ayaa idin leh gabdhoow , Dab jacayl kari waayaa , Bidaari sibiqbay kugu gashaa , Galbeed waa la xoreeyay,  Beeneey waa run iyo kuwo kale.

Waxa ay la heestay  fanaaniin ay ka mid ahaayeen , Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa .

Aamiina Alle ha u naxariistee waxa ay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe ( Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan.

Cali Caano Dhame ayaa qoraalkan ka qoray Aamina Cabdilaahi Xirsi

“Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Waxaan tacsi u dirayaa. Ehelkii qoyskii asxaabtii iyo guud ahaan mujtamaca somalida geerida ku timi fannaanadii weynayd ee AAMINA CLAAHI XIRSI ..Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo qoyskii ay ka  baxday iyo dhammaan bahda fan kana samir iyo iimaan. Ka siiyo..

Allah ha u naxariistee Aamina claahi intii aan ka aqaanay haddii aan yar iftiinsho waxay  ka mid ahayd hormuudkii fanka somalida gaar ahaan Hobaladii waaberi ee Loo yaqiinay HOOYADA FANKA waxay fanka ka bilowday dabaayaqadii sanadihii 60aadkii dalka jabuuti iyadoo gabadh yar ah, kadibna waxay usoo wareegtay dhinaca somaliland waxay riwaayado wada dhigeen awalkiiba fanaaniintii ruug caddaaga ahaa  cismaan gacanlow,cabdi qays, oo ay heeso badanna wada qaadaan.

Hase yeeshee  shakhsiyan inta aan garanayo riwaadaha aamina claahi ay xiddigada ka ahayd amar door xiiso leh. Ku lahayd ee aan duugoobin weligood aadkana Loo jecel yahay.

1-Waxaan ka xusi karaa:1974 iyo dab jacayl kari waa.

2-Galbeed waa la xorreeyee waarsaa gaagixisay.

3-Ha waalnaado jacaylku ee Aynu weerarka aadno.

4-Wadhaf iyo shimbiro oo ay ku metelaysay xasan aadan  hooyadii iyo Qaabkii qiirada iyo la yaabka lahaa.

5-bidaari sibiq Bay kugu gashaa

6-Jacayl run ah iyo rooxaan ka hor timi

7-Waan isla weynaye  Mabay weynayn.

8-musiibada aduunyada.

9-isuma qaddo

10- riwaayddii aw bustaale.

11-ninba timo xamar.

12- abuur waano la yaab.

13-ninba tacabkii talooy kaa maal..ama (gari makaa baxdaa) loo yaqiin..

15-beeneey waa run….iyo qaar laga yaabo inaan dhaafay maadaama in muddo ahi kasoo wareegtay..

Heesaha qubanaha ah ee aan iyagu riwaayad ku jirin idaacadahana loo qabtay ayaa tiro badnaa

Aan ka xuso iyagana (oo shiikh baa wuxuu yidhi -inanyahay shar kuuma leh) tolow AHN ma kaneecaa Lahaa?.waan iloobay ..heesta si-yar si-yar . Heeso waddani ahaa oo aan ka xasuusto ( Bulshayahay bal kaalaya Bushaarada

Berri ubaxa kacayoow Bilkhayr dhaha…

Bil khayr

Bilkhayr

Bilkhayr…

Haddii aan sii iftiinsho dad badani waxay ku xusuusan karaan ..kacaankaa noo baaqee barakaysani ha noooolaadoo

waxa u jiibin jiray caruurtii la odhan jiray ubaxa…Ereyada waxa lahaa Allah ha u naxariistee

Oo  intii uu noolaa. iiga sheekeeyay. Waalidkii wanaagsanaa saaxiibkii qaaliga ahaa ganacsadihii reer hargeysa ee bacadlaha WAAHEEN MUXUMUD CALI MAS MAS…

Sacna weysha uu dhalo sanka ….aamina iyo gacayte.

Sida dhidar ha fiid kicin. .cashaqa ha fara gelin…aamina cismaan gacanloow iyo qaar kaloo badan.

Aamina claahi waxay ahayd habka jilista sheekada iyo ku luuqaynta heesaha fanaanad aan dhiggeed la heli karin aadna  loo wada jeclaa…allah ha u  naxariisto aamina…  .waan ka tacsiyadaynayaa. Caruurteedii ilma cabdi qays iyo ilma cabdiraxmaan dheeraba.

By:Cali caanodhame”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this