Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox ciyaal weero ah oo wadaad ku dishay Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wadadaad lagu magacaabi jiray  Mowliid Macallin Cabdullahi waxa ay ku dileen gudaha degmadaasi.

Marxuumka oo caanka ahaa degmada Kaaraan ayaa la dilay inta u dhexeysa salaaddii Maqrib iyo Cishaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciyaar weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carartay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in wadaadka lagu dhuftay illaa 4 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, inta loo waay isbitaalka.

“Afar mindi oo kala dar-daran ayaa lagu dhuftay hal bowlaha ayaa looga dhuftay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri qor ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya kooxda dilka geysatay aysan agabkii uu sitay, gaar ahaan taleefanada aysan ka qaadan, balse iska dileen, kadibna ay goobta ka carareem.

“Laba taleefan ayuu watay mid weyn iyo mid yar waxna kama qaadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay dhowaan Muqdisho ka billowday howlgal nooc cusub oo ay ku beegsaneyso kooxaha ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan.

Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

The post Koox ciyaal weero ah oo wadaad ku dishay Kaaraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this