Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee  Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta  Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagaga hadlayo qodobo kala duwan oo dhanka amniga iyo Dastuurka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirka Watashiga Qaran, iyadoo dhammaan Martida ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Abdullahi  Deni.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this