Sign in to follow this  
Paragon

Lixkun oo ciidankii hore ee Qalabka sida oo magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Paragon   

Lixkun oo ciidankii hore ee Qalabka sida oo magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dowlada Mbagathi.

Muqdisho

 

Maanta oo isugu yimaadeen kulan balaaran Ciidankii xooga dalka Soomaliyeed ayaa ku taageray in ay soo dhaweynayaa dowlada cusub ee Mbagathi hiil hoobna diyaar ula yihiin maadaama ay ku dhibtoodeen magaalada Muqdisho 14 kii sane ee ugu danbeeysay .

 

Ciidanka xooga ayaa gaardis ku maray xarunta dhexe ee Iskool Boliisiya ayagoona halkaasi ku soo bandhigay awoodooda cududeed.

 

Kulanka ciidanka isugu yimid maanta waxaa qudbad diiran u soo jeediyey Janaraal Galaal oo u sheegay ciidanka in ay iska dhiciyaan burcada diidan nabada kana soo horjeestaan kuwa diidan kala danbeenta .

 

 

webmaster@dayniile.com

 

----

Dawlada Talyaaniga Oo Dardar Gelisay Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed Ee Dhinaca Soomaali

 

Dawladda Talyaaniga oo ka mid ah waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya, dhaqdhaqaaqeeda siyaasadeed ee Soomaaliyana uu aha mid daciif ah sanadihii ugu danbeeyay ayaa haatan billawday dadaal xoogan oo ay ku doonayso in ay lugaha la soo gasho arrimaha Soomaaliya ka dib markii ay soo baxady in saraakiil sarsare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo ciidanka qalabka sida ay kulamo kula yeelatay wadanka Talyaaniga .

 

Saraakiisha ay xukuumada Talyaanigu kala hadashay arrimaha Soomaliya gaar ahaan hub ka dhigis iyo soo celinta ammaanka Muqdisho ayaa waxa ka mid ah Janral maxamad Nuur Galaal iyo G/sare Gasgas.

 

Kulanka labadan sarkaal ay la yeelatay xukuumada Talyaaniga ayaa wax faahfaahin ah laga bixin inkastoo la filayo in maalmaha soo socda ay sharaxaad ka siiyaan safarkoodii ciidamada soomaalida qaybahooda kala duwan .

 

Kulan la filayo in ay maanta la yeeshaan labadan sarkaal saraakiil Boolis iyo milleteri ah ayaa lagu wadaa in ay ku faahfaahiyaan wixii ay kala soo kulmeen xukuumada Talyaaniga .

 

Hadal haynta ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Soomaaliya aya ahayd ila goortii shirka Soomaalidu ka billawday Kenya muddo haatan laga joogo laba sano mid soo noqnoqanaysay iyadoo kulamo dhawr ah lala yeeshay khubarada ciidanka ee Soomaliya oo ay la yeesheen saraakiil Afrikaan ah, ballantuna ahayd in Soomaali si loo kala badbaadiyo wixii lagu heshiiyana meel mar u noqdaan kooxaha hubaysan hubka laga dhiogo .

 

C/llaahi Khadar,goobjoog, Muqdisho

Budbud33@hotmail.com

---

 

Now nomads, what do you think will be the implications of such a concentration of armed men? Is it the dynamics of a "snowball effect" or just a compartmentalized show of support to the new government?

 

Whats your take on this issue?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii TNG oo soo dhaweeyey Dowlada cusub ee Madaxweynaha loogu doortay C/laahi Yusuf Ahmed

Muqidsho :-

 

Ciidamadii hore ee Qaranka Soomaaliya iyo kuwo badan oo kamid ah kuwii uu isu keenay maamulkii TNGda ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa maanta banaanbax weyn oo ka dhacay Muqdisho kusoo dhaweeyey dowlada Cusub.

 

Ciidamadan oo kumanaan gaaraya ayaa waxaa hormuud u ahaa Gen. Galaal oo asagu u ahaa abaanduulaha ciidamada maamulka C/qaasim Salaad Xassan ee sadex sano kahor lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

 

Ciidamadan ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska dalka iyo nabadeynta iyo hubka dhigista Maleeshiyooyinka Soomaaliyeed.

 

Waa markii ugu horeysay oo Ciidan ku sugan magaalada Muqdisho ay soo dhaweeyaan maamulka cusub ee Soomaaliya ayadoo ay inta badan maleeshiyooyinka kale ee xarumaha ku leh Muqdisho aysan muujin taageero buuxda oo ay u hayaan dowlada cusub ee Soomaaliya.

 

Ciidanka TNG ayaa mudo saacado ah socod ku maray xarunta Iskuulka Booliiska oo in mudo ah ku sugnaayeen ciidamadii kasoo haray Qarankii Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this