Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo ku dhowaaqday inay taageereyso 3 barnaamij oo ay waddo DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
335528950_919912799356363_91438699029862

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladaha amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Wasiirka ayaa ku-xigeenka safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawl-galada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al Shabab, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Ku-xigeenka danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa isla maanta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka ayaa wakiilka UNDP uga mahad-celiyay waxqabadkiisi la xiriira taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan wada-shaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan.

336370166_710818644175251_83278188322515
335528950_919912799356363_91438699029862
326760264_189740140452462_46609784323206
336364020_730098908604946_36739750383806
335508532_1857520941284136_5756455396015

The post UK oo ku dhowaaqday inay taageereyso 3 barnaamij oo ay waddo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this