Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: secretary of foreign affairs returns back to Hargeisa Pics

Recommended Posts

Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga kulmiye oo Dalka ku soo Guryo noqday ka Dib markii uu ka Qayb galay Shirkii urur Goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah.

20100715065108.jpg

 

Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Daawo Sawirada

 

4796449083_6846fa3692.jpg

 

Hargeisa (GNS)-Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ku soo guryo noqday Somaliland kadib markii uu ka soo laabtay shir uu la lahaa urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, shirkaas oo lagaga hadlay arimo ku saabsan arimaha geeska Afrika.

 

Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Cigaal international Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga kulmiye iyo Marti Sharaf kale.

 

4796449951_d198face74.jpg

 

Xoghaya Arimaha Dibada ee xisbiga Kulmiye Dr/Pro. Maxamed C/laahi oo qolka martida ee Cigaal International Airport ugu waramay warbaahinta isagoo waftiga socdaalkiisa uu ku weheliyay Wasiir kuxigenka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka qayb galay lagaga hadlay 3 arimood oo kala ahaa.

 

1-Berbera Corridor oo ah jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo uu xoghayuhu sheegay in shirka lagu soo qaaday isla markaana lagu soo bandhigay qorshaha lagu dhamaystirayo jidkaasi u dhaxeeya Berbera Ilaa Wajaale.

4797077708_bcfbafc854.jpg

 

2-Tamarta oo la gu soo qaaday faa,idada ay leedahay iyo sida loogu baahna yahay in Tamarta loogu roggo dhuxul dhagax si loo yareeyo xaalufinta dhirta oo faro baas ku haya wadamada ay Somaliland ka mid tahay .

 

3-Somaliland Funding –Waxa kale oo shirka lagu soo qaaday sidii Somaliland loogu samayn laha dib udhis balaadhan, maadaama Somaliland Dhamaystirtay Doorashooyinkii madaxtooyadda.

4797077428_0bb2fe498e.jpg

 

Xogahaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar aya lagu wadaa in loo magacaabo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyadoo dadka inta badan Somaliland ay si wayn ugu hanqal taagayaan magacaabsita xilka wasiirka arimaha dibada oo dadku aad ugu ganacsan yihiin in uu yahay shakhsi karti badan isla markaana si wayn uga soo bixi kara xilkaasi.

 

Sida ay baahiyeen Wargaysyada qaarkood ee kasoo baxa magalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in xilalkii ugu horeeyay ee wasiirnimo ee la magacaabay ay noqdeen Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabayo Dr Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Tamarta oo loo magacaabayo Prof Ismaaciil Muumin Aare, inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xilkan loo magacaabay labada Wasiir.

 

Dawlada cusub ayaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo tirada wasiirada ay ka koobnaanyso lagu soo koobay 15 Wasiir, waxaana meesha laga saaray Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiro dawlayaashii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Riyaale ka koobnayd.

 

Safarkan Dr.Maxamed C/laahi ku tagay Dalka kenya oo noqonaya kii ugu horeeyay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo ka fuliso Wadanka Dibadiisa tan iyo intii ay ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland.

 

Dawlada cusub ayaa dadku uuga fadhiyaa inay ka dhabayso balanqaadyadii badna ee xiligii doorashada sheegeen inay sideeda u filayaan , waxaana dadku inta badan jecelyihiin inay maqlaan in dawlada soo socta noqoto mid kooban oo ay ka dhex muuqdaan wajiyaal ku cusub siyaaada Somaliland, isla markaana daacad u ah Dalka iyo Dadkaba.

 

 

Siciid Cali Daahir (Sacad Guray)

Gabiley News Editor

Hargeysa Somaliland

contactgabiley@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Maxamed C/laahi comes across as being a very active and motivated man. Exactly the sort of person that we needed at the helm of the MoFA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this