Sign in to follow this  
Cige

May 15 iyo M15 (Cabdiraxmaan Cabdishakkuur) maxaa kala heysta?

Recommended Posts

Cige   

KN: Wakiilka hey’ada sirdoonka (basaasiinta) ingiriiska M15 ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuna magacaaban wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee DKMG ayaa banaanka soo dhigey midabkiisa dhabta ah, wuxuu yiri “waxaan idiin ballan qaadaynaa in aan dalka ka tirtiri doono kooxaha naga soo horjeeda”.

 

 

 

 

 

Wuxuu hadalkani ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta 15-ka May oo Xamar lagu qabtay, wuxuu intaasi ku daray in dowladiisa ay ka go’antahay in ay dalka ka nadiifiso xoogagga kasoo horjeeda ee muqaawamada oo uu ugu yeerey kuwa ka kala yimid wadamo shisheeye, una adeega danno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur caadi ahaan waa xubin sare oo si rasmi ah uga tirsan hey’ada sirdoonka M15 ee Britain, wuxuuna kusoo caanbaxay howlgalkii lagu soo xirey Sheekh Abu Xamsa Al-Masri, wadaadkii curyaanka ahaa ee laga soo xirey masaajid ku yaala London ee loo heystey howlaha argagixisada, Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ninka shaqsi ahaan usoo basaasi jirrey ninkaasi isagoo si joogto ah ugu tukan jirrey masaajidka uu Sheekha Imaamka ka ahaa. Inta aan xabsiga loo taxaabin Abu Xamsa waxaa laga mamnuucay inuu cagta soo dhigo, wuxuuna bilaabay inuu salaadda jamcaha dadka ku tujiyo, muxaadarooyinna ku qabto meelah lagu nasto ee loo yaqaano Park, ilaa markii danbe jeelka la dhigay. Arinta dadka ka fajicisay waxay ahayd markii wasaaradda arimaha gudaha ee Ingiriisku ay masaajidka u soo magacawday Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

 

Markii dayuurad helikobtar ay hoodka Jubbada Hoose ka qaaday Shariifka isagoo mujaahidiinta biyo ugu maqan ee dabadeed la geeyey Nairobi, Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee loo keeney Shariifka si uu gacan yare ugu noqdo oo u hago, illaa xiligaasi wuxuu ahaa gacanyaraha Shariifka ama aan dhahno mashiinka reer galbeedka ee gadaal ka riixaya Shariifka illaa loo magacaabay xil wasiir kolkii Shariifka uu madaxweyne ka noqdey dalka. Cabdiraxmaan wuxuu madax u noqday gudigii u xilsaarnaa isku milidda garabka Shariifka iyo dawladdii Cabdullahi Yuusuf. Waxaa la odhan karaa Cabdiraxmaan waa maskaxda ka danbaysa talaabo kasta oo ay DKMG qaado isla mar ahaantaana wuxuu kamid yahay 5-ta nin ee ugu halista badan dawladda Shariifka, waa shanta sida dhabta ah u fulinaysa qorshayaasha cusub ee cadawga. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Cumar Cabdirahsiid, Prof. Gaandi iyo Oomaar ayaa caynaanka u haya qorshaha lagu baabi'inayo shacuubta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

 

 

Hadaan ku soo noqono Cabdiraxmaan, dhawaan ayuu qabsaday bogaga hore ee qalabka warbaahinta markii uu qalinka ku duugey heshiiskii badda ee Kenya ay DKMG la gashay, heshiiska oo loogu adeegayay midowga Yurub, Cabdriraxmaan waxa uu heystey amar buuxa oo ah in uu saxiixo heshiiska.

 

 

Ninkani waa khatartii ugu weyneyd ee lasoo maleegey ee ebed usoo dusta nidaam kasta oo magac dowladeed sheegta oo Soomaaliya soo mara, xittaa dowladii Cabdullaahi Yuusuf.

 

 

Maanta oo ku beegen 15-ka May ayaa isaga oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah kacaankii SYL waxa uu Cabdiraxmaan cadaystey moowqifkiisa dhabta ah iyo damaciisa waalan, wuxuu ballan qaaday in xoogagga kasoo horjeeda ay dalka ka tirtiri doonaan maalmaha soo socda.

 

 

Wuxuu hadalkani leeyahay xilli dagaaladii magaalada ka dhacay ay geeysteen qasaaro shacab oo baaxadiisa baddantahay, lana filayay in DKGM ah ay ka shaqayso sidii isfaham loo gaari lahaa iyada oo ay xabad joojin kumeel gaar ah oo shacabka loogu danaynayo ay ogolaadeen muqaawamada.

 

 

Dhamaan dadkii xafladda joogey ayaa aad ula yaabay hadalka Cabdrixamaan oo muujiyey astaan kasta oo lagu yaqiiney nin cadaw u adeegaya, wuxuu filayay in hadalkiisa loogu sacab tumayo laakiin dadkii oo dhan ayaa is wada eegey layaab dartii, hadalkiisa waxa uu ka dhiganyahay in dadka Soomaalida oo dhan dalka laga tirtirayo, barkee inta uu qof Soomaali ah ku noolyahay dalka lama tirtiro karro muqaawamada oo ah shacabkii oo hub qaatay.

 

 

Waxaa kaloo hadalkii laga xaqiiqsaday in ay jirto cid kale oo uu ku tashanayo oo aan ahayn awooda ay hadda heystaan, taasi micnaheedu waa in awood asaga maskaxdiisa macquulnimadeeda ka weyn ay kusoo wajahantahay Soomaaliya, taasina ugu yaraan ay noqon karto maraakiib xeebta inta soo istaaga dalka duqeynaya, dayuurado dagaal oo cirka ka duqeynaya iyo ciidamo baddan oo taangiyo iyo dabaabaad ku hubeysan oo dalka imanaya. Cabdiraxmaan waxay la noqotay marhadii Reer Galbeed diyaar u yahay inuu muqaawamada waajaho inay markaasi u dhamaatay oo cagta la marin doono asagoo hilmaansan in Allihii koonkan abuuray uu yahay midka guusha bixiya oo hadba cidda uu doono siiya ee guushu ayna ku imaan cududda aad leedahay inta ay la'egtahay.

 

 

Cabdiraxmaan hadalkiisa wuxuu xitaa ka xadhaadhaaday hadalkii Xusseen Maxamed Faarax Ceeydiid uu yiri ee ahaa “Soomaaliya iyo Ethiopia waa la’isku darayaa”, waayo Xuseen waxa uu ka hadlayay dad Soomaaliyeed oo jira balse hoos taga nidaam kale oo aysan dadka rabin, laakiin Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlayaa waa in jiritaankii dadkiiba la baabi’yo.

 

 

Waxaa aad u nasiib daran 13-kii SYL ee maanta xuskooda uu ninka noocani ah fasax u heley in uu ka hadlo, mana ahan wax ka baddan in uu dib u aasayo wixii ay dhaliyeen ragaasi.

 

 

Raggii ka horeeyey ee geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley in ay ciidda ka hoosmariyaan jinsiga Soomaaliyeed ee waliba taasi usoo dagaalamayay illaa 1978-dii ayaa waxbo ka tari waayay Soomaalida in uu tirtiro iska daaye, isaga oo ah ciyaalsiiyo la dhalan rogey oo badda Meditarian-ka saldhig ku yaala 2 sanno oo tabobar jaajuusnimo kusoo qaatay lama filayo inuu dixsi ka dul buubin karro raga dhacaankooda iyo dhiigooda ku xardhay difaaca sharafta shacabka, diinta iyo dalka ayagoo talo saaranaya Allaha samaawaadka iyo arlooyinka mulkigooda leh.

 

 

Muqaawamada markani farwaaweyn ayaa wax loogu dhigey, iyaga ayayna u taalaa in ay sugayaan inta Cabdiraxmaan helayo xooga intaasi la’eg ee uu rabo inuu kula diriro iyaga.

 

http://www.kismaayon ews.com/pageView.php ?articleid=726

 

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this