Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu diyaarad Drone ah ka burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaadadii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah.

Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu diyaarad Drone ah ka burburiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this