Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland xagay ku socotaa? Mujaahid Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood Muuse iyo ina Suldaan Cali markaan eego xataa xal dhiigjoojin ah kuma heshiin karaan. Bulshada Caalamku in ay farogelin toos ah ku sameeyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya maaha wax aan laga fakiri karin. Hadii ay xaaladu qasabto oo waxba lagu heshiin waayo IGAD iyo AU waxa dhici karta in Itoobiya ay u xlisaaraan suggidda nabadgelyada Laascaanood Q.M lafteeduna ay sidaa baarigto. Taas oo micnaheedu yahay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeni karo Laascaanood labada ciidan ee isku horfadhiyana la kala durkiyo   lagana fogeeyo magaalada labadoodaba. Labada dhinac ma wada ogolaan doonaan, ma dhinac baa diidi, mise labaduba way ku gacansaydhi hadii ay timaadoba? Wax walba ka yaab

Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Bulshada Caalamka waxay u badan tahay in dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya talada Somaliland la isla ogol yahay in looga dambeeyo dalka la deeiska ah ee Itoobiya. Maaha arinta Laascaanood oo keliya ee xataa khilaafka ka sii wayn ee doorashooyinka laftooda, oo si wayn u soo shaacbixi doona afar ilaa sideed todobaad ka dib dhamaadka bisha Ramadan iyada oo wax xal ah laga gaadhin dagaalka Laascaanood. Taasina waa halista ku soo fool leh in gobolada Somaliland dhan xaaladdu faraha ka bixi karto hadii la waayo wax heshiis lagu yahay

CSLIGUREY

HALGANWATCH

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this