Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Looga Hadlayo Amniga Jubbaland oo Ka Dhacay Magalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey Shirka Bilaha ee Amniga Jubbaland kaas oo bishiiba mar la qabto.
Shirkan waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland, sarakiisha ciidamada kala duwan ee Jubbaland, xooga dalka iyo Saraakiil ka socotay howlgalka  ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ATMIS.
Waxaa shirkan diirrada lagu saaray howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada kala duwan ay sameeyeen iyadoo warbixino lagaga dhagaystay Taliyayaasha Ciidamada, kaas oo ku aadan xaaladaha amni iyo  xaqiijintooda.
Shirkan ayaa looga Tacsiyeyay Dadkii ku Wax yeeloobay Qaraxii ka dhacay guriga Martida Magaalada Baardheere ee goboka Gedo, kaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, oo soo gaaray mas’uuliyiin gobolka iyo saraakiil ciidan.
Kulankaan looga hadlaayo amniga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan lagu wado in ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this