Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Kasoo Baxay Shirka Wasaaradaha Ganacsida Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ?

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug kusoo gabagaboobay, shir muddo 4-maalmood ah u socday wasaaradaha Ganacsiga Dowladda Federalka iyo Dowlad Goleedyada, kaas oo gabahabadii laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan, heshiiskii labada dhinac ay ka gaareen ajandaha Shirka.
Shirka ayaa goobjoog aWasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirrada  Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada; Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo mas’uul ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo shirka ku matalay maamulka gobolka.
Intii shirka uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo mas’uuliyiinta madasha ku sugnaa ay heshiis ka gaareen inta badan qodobadii la isku soo qaaday, waxaana gabagabadii shirka laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan qodobadii la isku afgartay muddadii shirka uu socday oo aheyd 4 maalin, iyadoo laga hadlay:
A. Xoojinta, dardargelinta iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
B. Daadejinta iyo taabbo-gelinta Hannaanka Diiwaan-Gelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS).
C. Dib-u -eegista iyo dhammeystirka sharciyada; Shirkadaha iyo Shatiyada.
D. Mideynta dukumintiyada Ganacsiga iyo guud ahaan abla-ableynta qeybaha Ganacsiga.
Shirka u dhaxeeyay wasaaradaha ganacsiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa ka maqna wasaaradda ganacsiga Puntland iyadoo aan la shaacin sababta ka dambeyso, iyadoo muddooyinikii dambe uu soo baxay khilaaf u dhaxeeya madaxda sare ee maamulka  iyo dowlad goboleedaka Soonaaliyeed ee Puntland.

No photo description available.

No photo description available.Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this