Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku fulisay rag lagu helay in ay dilal iyo qaraxyo geysteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa goor dhaweyd dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo hore loogu helay dambiyo ay ka mid ahaayeen ‘dilal iyo falal argagiso’ kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Fanax iyo Dhammee Shariif Jeego.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 20-kii January xukun dil ah ku ridday ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdinuur Jiirow oo loo yaqaannay Dr. Fanax oo la sheegay in uusan aheyn dhaqtar sax ah, balse ka tirsanaa Al-shabaab oo xirfaddaan isku qarin jiray.

Waxaa lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah.

Ninka saddexaad ee isna saaka dilka lagu fuliyay ayaa ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

PUNTLAND POST

The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku fulisay rag lagu helay in ay dilal iyo qaraxyo geysteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this