Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo si adag uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678858592881.jpg?resize=720%2C48

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolla Gedo.

Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa la xaqiijiyay in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh waxaana dadka ku dhaawacmay kamid ah Guddoomiyihii Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed.

Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka waxaana uu tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay fuliyeen weerarkaas waxaana uu ku hanjabay in Al-shabaab eedi doonaan falka ay sameeyeen.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo si adag uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this