Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u Eegista Sharciga NISA Waa lama Huraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa muddo dheer lagu baaqayay baabi’inta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda -National Intelligence and Security Agency (NISA) oo horey loogu magacaabi jiray Hay’adda Adeegga Amniga (National Security Services - (NSS)), si loo dabargooyo tacadiyadii iyo dhaqankii awood ku takrifalka ee caadada u noqday hay’addaas, taaso laga dhaxlay burburkii Qarankii Soomaaliyeed. NSS looma abuurin dan Soomaaliyeed. Waxaa loo abuuray cabburinta iyo ciqaabka Shacbiga Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo joogitaanka xukunka keligi taliska ahaa, loona hor istaago xorriyadda iyo xuquuqda siyasadeed ee hadalka, cabashada, iyo bannanbaxa, ka qaybgalka tartanka siyaasadda iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh “Muddo Cayiman,” ee muwaadiniinta Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen. Waxaa la wada og yahay tacadiyadii iyo xadgudubiyadii xad dhaafka ah ee NISA ku dhaqaaqday 5tii sano ee la soo dhaafay.

Source: Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this