Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
2023314638143565306555947.jpg?resize=660

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Eritrea .
Inta uu joogo halkaasi, waxaa labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eritrea ayaa qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Soomaaliya ee ku dhisan xiriir wanaagsan oo iskaashi oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale.

Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this