Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Laamaha Amniga oo la wareegay goob qaraxyo lagu sheegay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678781972932.jpg?resize=720%2C54

Laamaha Amniga Puntland ayaa ka war helay qaraxyo lagu diyaariyay gudaha merfish jaad oo ku yaalla magaalada Boosaaso.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa hadda ku hareeraysan goobta waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala.

Laamaha Amniga ayaa ku hawllan sidii loo saari lahaa qaraxyada waxaana dadweynaha ku wargeliyay in aysan u dhowaan goobta inta laga saarayo miinooyinka.

Kooxaha Argagixisada ah ayaa sida la rumaysan yahay qaraxyadan ku diyaariyay merfishka si ay waxyeello ugu geystaan dadka yimaada goobtaas.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Laamaha Amniga oo la wareegay goob qaraxyo lagu sheegay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this