Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo u safray Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
danii-1024x665-1.jpg?resize=1000%2C649&s

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta u safray dalalka Itoobiya iyo Imaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya.

Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka UAE  waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo u safray Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this