Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Recommended Posts

Deeq A.   

Senatorrada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodaya Ajandayaal dhowr ah.

Kulanka golaha ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobada kala ah:

Ajandaha
1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

2. Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

3. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.

Sharciga ladagaalanka Argigixisada ayaa horey uga soo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soonaaliya, iyaga oo sidoo kale horay usoo ansixiyay sharciga Hey’ada Sirdoonka Qaranka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this