Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
336173815_3316938461902077_4880846520713

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay shirweynaha qaran ee waxbarashada dalka ayaa shaaciyay qorshaha waxbarasho ee dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran.”

Xasan Sheekh ayaa ka marqaati kacay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Waxa uu ka dalbaday aqoon-yahanka, qurbe-joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraya, si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

336099570_459431936333268_36593122671224 336090815_1254233592173434_7538648180491 335819351_1402860413863079_6104033063003 336075254_1124674838200691_5770792449367 336084814_2083495788506316_7193421232983 336187589_607856407387219_15754354644927 336246891_663605945537221_31991356648740 335351880_725977668995964_75431986632971 336173815_3316938461902077_4880846520713 336363012_1278182559441666_9098463439581 335340668_220588793824760_48368553016315 336178476_920489599191656_18894348022156 335009704_1548478288966733_1216668407872 335045570_899015954668408_20908125426994

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this