Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Afwerki-Xasan.jpeg?fit=1008%2C793&ssl=1

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa caasimada Eritrea ee Asmara uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Booqashada madaxweynaha ee Asmara ayaa waxay qeyb ka tahay siyaasadda cusub ee Soomaaliya, taasi oo ku saleysan xiriir wanaagsan oo iskaashi ah oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulan muhiim ah la yeelan doona dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki kuwaasi oo looga hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Safarka madaxweynaha ee Asmara ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Eritrea.

Eritrea ayaa waxaa tababar uga socda kumanaan ciidamo ah oo dhawaan loo qaaday, iyada oo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ugu maqnaa dib loogu soo celiyay dalka.

Safarkan ayaa ah kii saddexaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).

Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

The post Qorshaha safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this