Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday Guriga Martida degmada Baardheere ee Gobolla Gedo halkaas oo ay ku degan yihiin mas’uuliyiin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu beegsaday mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo saraakiil ciidan oo ku sugnaa Guriga Martida degmada Baardheere.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiisha qaarkood ayaa sida la xaqiijinayo dhaawacyo culus ka soo gaareen Qaraxa waxaana loola cararay Xarumaha Caafimaadka magaalada.

Degmada Baardheere waxaa maalmihii la soo dhaafay kusii qul qulayay mas’uuliyiin iyo Odayaal dhaqan waxaana halkaasi ka socday qaban qaabada shir looga tashanayo aayaha Gobolka Gedo.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Baardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this