Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shiinaha ma kusoo biirayaa dagaalka Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   
335477331_3427153840868337_7882929925081

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka.

Shiinaha ayaa taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

335477331_3427153840868337_7882929925081 336177876_752524983113384_12529787014573 335514873_1552276551920098_2378958658021

The post Sawirro: Shiinaha ma kusoo biirayaa dagaalka Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this