Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
336320222_444824441157008_24356997183181

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada-hadleen doorka dowlada Imaaraadka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxay diirada saareen sidii loo xoojin lahaa xiriika guud ee hay’addaha UAE ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka, yareenta musiibooyinka iyo gurmadka deg-dega.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu ka dalbaday dowlada Imaaraadka in ay kala shaqeeyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay kooxaha khawaarij-ta iyo taageerida Arrimaha Saadka si loo gaarsiiyo gargaarka.

Safiirka Imaaraadka Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonaan dowlada federaalka Soomaaliya, si dhawna u la shaqeynayaan hay’adda Maareynta Masiibooiyinka Qaranka ee SODMA.

Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo gargaar ballaaran lagu gaarsiinayo deegaannadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawan ay SODMA u dirtay shixnad hordhac ah.

336320222_444824441157008_24356997183181 336155436_1437140610424201_8870151727247 335646368_867541150999147_20453408062694 335619317_200923595874330_43773100230522 334973528_1377252926429919_1785507446807

The post Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this