Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo awaamiir amni ku soo rogtay masaajidda magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta soo saaray go’aanno lagu xoojinayo sugidda Amniga magaalada Gaalkacyo.

Warqad ka soo baxday Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Gobolka Faysal Shiikh Cali Jifo-jabsade ayaa lagu amray masaajidda Gaalkacyo in ay fuliyaan lix qodob oo lagu xoojinayo Amniga magaalada.

Guddiga ayaa amar ku bixiyay in dhammaan masaajida Gaalkacyo mudda Todobaad gudihiis ah lagu xiro kaamirooyinka wax duuba islamarkaana masaajidda loo sameeyo waardi khaas ah.

Guddiga ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta masaajidda ku amray in la awdo luuqyada u dhow masaajid kasta laguna xiro layrar waaweyn si loo xaqiijiyo Amniga.

FB_IMG_1678710298550.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo awaamiir amni ku soo rogtay masaajidda magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this