Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230313-WA0141.jpg?resize=1000%2C66

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garoowe ka socon doona muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shirweynahan oo uu tilmaamay in wax weyn laga faa’idi doono, xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga , Ka Dowlad ahaana Puntland soo dhoweynayso in la maalgashto Dalka .

Furitaanka  Shirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo iyada soo diyaarisay Kulanka iyo Goleyaasha kale ee Dowladda Puntland, Rugti Ganacsiga , Ganacsato Soomaali iyo Ajaanib ah, Wakiillo ka socda wadamo, Ururo iyo Hay’ado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar siinaysa kobcinta, dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga waana shirkii labaad ee ku saabsan Maalgashiga oo lagu qabto Puntland.  Shirkii kan ka horeeyay waxaa la qabtay
15-kii September 2019.

FB_IMG_1678703203412.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703215262.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703221145.jpg?resize=720%2C48 IMG-20230313-WA0154.jpg?resize=1000%2C66 FB_IMG_1678703281487.jpg?resize=720%2C48 IMG-20230313-WA0151.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20230313-WA0158.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20230313-WA0159.jpg?resize=1000%2C66 FB_IMG_1678703229400.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703236089.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703250595.jpg?resize=720%2C48 IMG-20230313-WA0141.jpg?resize=1000%2C66 FB_IMG_1678703265628.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703245753.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703261107.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703276662.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703304922.jpg?resize=720%2C48 IMG-20230313-WA0157.jpg?resize=1000%2C66 FB_IMG_1678703365710.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703371326.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703349034.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1678703272565.jpg?resize=720%2C48

The post Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this