Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa Shirka Wasaaradaha Warfaafinta Ee Jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
Wafdi ka socda Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dalka Kuwait uga qayb galaya shirka guddiga joogtada ee Warfaafinta Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu wado inuu ka furmo dalkaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha warfaafinta ee dalalka Jaamacadda carabta.
Shirkan oo maanta ka furmay dalka Kuwait caasimaddiisa Kuwait ayaa waxa ka qayb galaya wafdi ka socda wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kala ah Marwo Ifraax Maxamed Cabdikariim oo ah agaasimaha waaxda Wacyi-galinta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ee wasaaradda Warfaafinta iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.
Shirkan oo muddo 3 maalin ah soconaya ayaa maanta looga hadlay sidii dalalka Carabta iyo warbaahintoodda isaga kaashan lahaayeen Doowrka Warbaahineeed ee ladagaalanka argagixisada oo dhibaato ba’an ku haysa dalalka Carabta iyo ficiladooda Guracan, iyadoo si gaara loo xusay in dhammaan loo midoobo la dagaalanka fakirka xagjirka ah.
agaasimaha waaxda Wacyi-galinta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ee wasaaradda Warfaafinta Marwo Ifraax Maxamed Cabdikariim oo qudbad ka jeedisay shirka ayaa sheegtay in Soomaaliya dagaal Fikir iyo Mid Caskari oo balaaran kula jirto argagixisada iyo sidii loo suulin lahaa.
Ifraax ayaa ugu baaqday in dalalka Carabta warbaahintoodda ka qayb qaataan dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in argagixisada Khawaarijta Soomaaliya laga sifeeyo dhawaan sidoo kalana ay dhaqangaliso Warbaahinta Carbeed Adeegsiga ugu yeerida Khawaarijta Al-shabaab.
Jaamacadda Carabta gaar ahaan qeybta Warfaafinta ayaa wado cilmi-baaris lagu sameynayo qaabka Warfaafin ahaan dagaalka argagaxisada lagu haayo uga qayb qaadan lahayd.
333670911_164669599776998_56497702417101
333499634_868853391078487_87677970382152
336039525_1261280291468803_8307301186571
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this