Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo La Kulmay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan u dhaxeeyay Duqa Magaalada Muqdisho iyo Safiirka Talyaaniga ayaa sidoo kale looga hadlay arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gacanta, maareenta Barakacyaasha iyo dib usoo celinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty.
Dowladda Taliyaaniga ayaa kamid ah dowlaha Soomaaliya ka fuliyay mashaariicda hormarineed ee dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo lagu xasuusto dhimaha Isbitaallada Banaadir, Digfeer iyo xarunta Jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo ay dowldda Taliyaanigu Hirgelisay wadooyin  iyo xarumo kale oo muhiim ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this