Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga madaxabannaan ee dib-u eegista dastuurka dalka, oo ka kooban 5 xubnood.

Xubnahaan ayaa waxaa horay usoo ansixiyay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soonaaliya oo ay hor geysay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda federalka Soomaaliya.

1. Maxamed Xasan Idiris.
2. Farxiya Muumin Cali.
3. Burhaan Aadan Cumar.
4. Axmed Maxamuud Jaamac.
5. Maxamed Cabdalla Saalax.

Xubnahaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay bilowdaan shaqadooda, kadib marka uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyagoo dib u eegis ku sameynaya Dastuurka oo faafreeb lagu wado.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this