Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Hay’adda DRC oo ka wada-hadlay u gurmadka shacabka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678689532563.jpg?resize=720%2C48

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo muhiimad gaar ah siinaya Shacabka ka soo barakacay colaadda magaalada Laascaanood ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee Soomaaliya Mrs Audrey Crawford.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay in uu qaabilay islamarkaana kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee Soomaaliya Mrs Audrey Crawford.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii DRC ay kaalin xoogan uga qaadan lahayd gurmadka loo fidinayo Shacabka ka soo barakacay dagaalka Somaliland ka waddo magaalada Laascaanood.

“Kulanka ayaa looga hadlay sidii DRC kaalin xoogan uga qaadan lahayd gurmadka loo fidinayo Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood, kaas oo saamayn Naf iyo Maalba leh ku yeeshay bulshada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Hay’adda DRC oo ka wada-hadlay u gurmadka shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this