Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sheegtay in dad ka bara-kacay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678694447594.jpg?resize=720%2C48

Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa warbixin cusub ka soo saartay xogta barakacayaasha Laascaanood.

Warbixinta Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa lagu sheegay in barakacayaal cusub oo ka soo cararay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay deeq-bixiyaasha ku gacan-siinayso taakulaynta shacabka u bara-kacay degaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Somaliland ayaa sidoo kale xustay in ay samaysay nidaam fududaynaya in dhammaan hay’aduhu si sahlan u caawiyaan barakacayaasha Laascaanood.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo weli kama jawaabin warbixinta ku saabsan xogta barakacayaasha Laascaanood ee Somaliland soo bandhigtay.

Polish_20230313_101652596.jpg?resize=337

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo sheegtay in dad ka bara-kacay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this