Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo warbixin u gudbiyay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka mid ah madax dhaqameedka SSC-Khaatumo iyo Guddida-33 ayaa magaalada Garoowe kula kulmay guddi khubaro ah  oo ka socda Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kuwaas oo ku hawlan u kuurgalidda iyo xaqiiqo raadinta xaaladda Laascaanood iyo degaannada SSC-Khaatumo.

Dhinaca SSC-Khaatumo waxaa ka qaybgalay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug iyo xubno kale.

Madaxda SSC-Khaatumo  ayaa warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda taagan iyo jariimooyinkii uu maamulka Somaliland degaanka ka geysanayay intii uu joogay ilaa laga soo weerarka bahalnimada ah ee hadda socda. Waxaa kale oo ay gudbiyeen gal dhammaystiran oo taariikh mugweyn xambaarsan.

Degaannada SSC-Khaatumo iyo shacabka Sool clan waxa ay halgan dheer la galeen gumeystihii, marna ma aysan aqoonsan joogitaankiisi iyo wax xuduud ah oo uu xarriiqay, waxa ayna mar kasta u taagnaayeen, welina u taagan yihiin, midnimada ummadda Soomaaliyeed, wax goonigoosad ahna raalli kama aha.

Waxaa kale oo diiradda la saaray in ay Soomaalidu tagay beelo, maamulka Somalilandna ay beeli iskeed u samaysatay Beelaha SSC-khaatumana aysan aqbalayn in loo dawladeeyo ee waxa la wada leeyahay ay tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah jiritaanka keli ah ee sharciyadda leh.

Madaxda Qarammada Midoobay ka socotay waxay diiradda saareen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaanka, waxayna sheegeen in ay xog dhammaystiran diyaarin doonaan Golaha Amniga iyo Xoghayaha Qarammada Midoobayna la wadaagi doonaan.

PUNTLAND POST

The post SSC-Khaatumo oo warbixin u gudbiyay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this