Sign in to follow this  
Deeq A.

MUCAARADKA oo ka digay arrin Somaliland ku burburi doonto haddii aan laga fiirsan

Recommended Posts

Deeq A.   
mucaaradka-somaliland.jpeg?fit=2048%2C11

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa shaaciyay in Somaliland ay burburi doonto haddii aan doorashada Madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi weydo xilligii uu iclaamiyay Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shaqaaqada ka taagan Laascaanood ay ku fidi doonto Somaliland, haddii ay qabsoomi weydo doorashadaasi.

“Waxan sugayaa 9-ka bilood ee Koomishanku qabteen, wixii intaa ka danbeeyana sida Laascaanood ayay u kala qixi tana, hadii lagu daro maalin sida Laascaanood tahay uun bay gobolada kalena noqon,” ayuu yiri guddoomiye Xamarje.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiyaha golaha guurtida inay ka dambeeyan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaannod, si doorashada Madaxtinimadu markale dib ugu dhacdo.

“Dagaalka Laascaanood waxay u abuureen si doorashadu dib ugu dhacdo, ma yaqaanan si kale oo wax loo xaliyo xabad mooye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xamarje ayaa caddeeyay in xisbigooda uu diyaar u yahay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada labadaba, “Biixi uma muuqdo in uu doorasho diyaar u yahay, maalkii iyo kursigiina wuu jeclaaday.”

Siyaasigan oo kamid ah masuuliyiinta u sareysa ee xisbiga Waddani ayaa sannadkii hore xukuumadda Biixi xabsiga dhigtay isaga iyo siyaasiyiin kale oo tobaneeyo ahaa intii uu socday mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka.

The post MUCAARADKA oo ka digay arrin Somaliland ku burburi doonto haddii aan laga fiirsan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this