Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo amar culus kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Khaliif.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaamac Xasan Khaliif.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee Wasaaradda, waxaana looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda ayaa amartay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taas oo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay hanaanka shaqo ee Suuqa.

Sidoo kale shirkadaha ayaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimaym si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

“Waxaa dambi ah shirkaddii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo  ama ay u badan tahay inay sababaan faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale dalbatay shirkadaha Isgaarsiinta inay u hoggaansamaan shuruucda uu taalla dalka, si loo ilaaliyo khadka Isgaarsiinrta.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”. ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Dhanka kale Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shaaca ka qaaday in arrimaha Isgaarsiinta ay si gaar ah mas’uul uga tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo ay sheegtay in lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaas oo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.

“Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha “Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Wasaaradda.

Khaliif.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 334683567_1225224048387680_5247873056725 334787794_2057487327786437_3501481857648 335239212_615206157115408_14945889606703

The post Sawirro: DF oo amar culus kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this