Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee xiisadda dagaal ee Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad dagaal ayaa saacaddan ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaq xooggan samaynaya ayaa dhawr jiho kaga durkay Laascaanood sida ay xaqiijinayaan xogo amni.

Xogahan oo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Ciidamada Somaliland isu diyaarinayaan weerar ay aroornimada hore ku qaadaan Laascaanood.

Haddii ay dhacdo tallaabadan ayaa ka dhigan in Taliska Korneyl Muuse Biixi uu fashilinayo dadaalladii nabad-raadinta ee socday.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee xiisadda dagaal ee Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this