Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaddoon Cabdi Dheere oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabaddoon Cabdi Aadan Siyaad ( Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabaddoonada Gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Dabley hubaysan ayaa sida la xaqiijiyay marxuumka ku toogtay bannaanka hore masaajidka Ramadaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in marxuum Cabdi Dheere uu xilliga la toogtay markaas salaadda Makhrib ka soo baxay masaajidka Ramadaan.

Dableydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana ilaa iyo hadda lama soo werin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.

PUNTLAND POST

The post Nabaddoon Cabdi Dheere oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this