Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo sheegay tallaabo uu qaadayo kadib murankii guddiga Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   
334846885_897763064774118_45126912072172

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tegay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maalmahan uu ka taagnaa muran ku saabsan qandaraaska shirkadaha Xajka.

Mudane Xamza ayaa halkaasi ka sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, islamarkaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

“Waxaa idinku imid maanta idinka guddiga si Ilaahay dartiisa oo sida u dhaarateen fulinteeda inaad ugu caddaalad sameysaan dadka Soomaaliyeed. Ilaahay markhaati ayuu ka yahay wax kale kama rabno, waxaa rabna in dadkaas Soomaaliyeed ee ganacsatada ah in loo caddaalad sameeyo.”

“Caddaaladiinu waxay ku soo bixi doonta sida wax u saxdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlayay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka oo iyagu kala xulaya shirkadaha soo xareystay bixinta adeeggan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka.

Wasiirka iyo guddiga adeega xajka ayaa sidoo kale waxay Ra’iisul Wasaaraha la wadaageen hanaanka maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee uu magacaabay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali ayaa dhawaan iclaamiyay shuruudaha laga rabo shirkadaha doonaya u tartamida u adeega Xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasi oo shirkadaha qaar ay ku sheegeen in aad uga adag yihiin kuwa sanadihii hore.

Magacaabista guddigan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf, inkasta oo markii dambe la xaliyay, waxaana dul taallay calaamad su’aal hufnaantooda, waana midda la rumeysan yahay inay keentay fara-gelinta ra’iisul wasaaraha iyo in uu si shaacsan u sheego in xafiiskiisu kor-joogteyn doono tartanka adeega Xajka sanadkaan.

331770845_520632686890694_88633142460385 331799386_160447176880176_65423186278440 334846885_897763064774118_45126912072172 331779832_719351159686082_81585681714191331755290_887335319006079_20462938509213331742693_929987428175967_58606679238624

The post Xamza oo sheegay tallaabo uu qaadayo kadib murankii guddiga Mukhtaar Roobow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this