Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xeer kasoo saartay Qodista iyo dhoofinta Macdanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad

Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta.

Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga iyo dhoofinta Khayrkaadka Macdenta.

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Tamarta Macdenta iyo Biyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa masuulka ah bixinta Shatiyada  ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta.

2. Waxaa si kumeel gaar ah loo  go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku  waajibtay dhammaan  macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Dowlada Puntland.

3. Waxaa la farayaa Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta.

4. Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan.

5. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

The post Puntland oo xeer kasoo saartay Qodista iyo dhoofinta Macdanta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this