Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Oo Itoobiya u tegaya hubinta inuu dhaqan-galay heshiiskii Abiye Axmed iyo Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Booqashadan oo lagu wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha bini’aadannimada.

Blinken ayaa sidoo kale booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price, waxaana booqashadan ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee uu abid ku tago dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Booqashada Addis Ababa iyo Niamey waa mid ka mid ah booqashooyin heer sare ah oo maamulka Biden uu qorsheynayo inuu ku tago Afrika sannadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this