Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad Badeed Soomaali ah oo ku xukunaa Xabsi daa’in oo lagu guuleystay in laga khafiifiyo xukunkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Sare ee Darusalaam ee dalka Tanzania ayaa sadax sano oo xadhig ah ku xukuntay rag Budhcad badeed Soomaali ah oo ka kooban 7 oo hore ugu xakuna xabsi daa’in, kuwaas laga soo qabtay Badweynta “Indian Ocean” meel jaziirad ah oo lagu magacaabo Mafia oo ku taala dalka Tanzania sanadkii 2011-kii.

Ragaan budhcad Badeeda oo hore u qirtay dambigooda ayaa ku xukunaay xabsi daa’in laga soo bilaabo xiligii lasoo qabtay oo aheyd 3-dii Oktoobar 2011-kii, waxayna ku jireen xabsiyo kala duwan oo ku yaala Tanzania muddo 12 sano ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay iyagoo weerar budhcad badeednimo oo hubaysan ku qaaday markab shidaal baadhe aha kana shaqaynayay biyaha Tanzania.

3-dii Nofember 2021 ayaa Safaaradda Soomaaliya ee Darusalaam, waxay qabanqaabisay shirkii ugu horeeyay ay isugu yimaadeen Safiirka safaaradda, diblomaasiyiinta, jaaliyadda Soomaalida iyo haween u istaagay ka warqabka budhcad badeedaan Soomaalida si loo ogaado in dib loo furi karo dacwadooda, lana heli karo qareen difaaca.

24-kii Febraayo ayaa safaaradda iyo jaaliyadda waxaa lagu wargeliyay iney yimaadaan xabsi ku yaala magaalada Kibaha (Kibaha is one of nine administrative districts of Pwani Region in Tanzania) si ay u dhageystaan dacwadda loo haysto dhallinyarada Soomaaliyeed, halkaasoo ay isugu yimaadeen dacwad oogaha (Prosecutor), Boliska, Nabadsugidda, ciidamada Badda iyo qareenadii u doodayay burcad badeeda, dood dheer oo adag kadib ayaa la soo bandhigay codsiyo kala duwan oo Maxkamada u jeediyeen masuuliyiinta Safaaradda, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ragga burcad badeeda naftooda oo la sheegay iney muujiyeen asluub wanaag mudadii 12 sanno aheyd oo ay xidhnayeen

Ragaan 7-da qof ah ee budhcad badeeda ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nuur Adan Dhiblawe, Bashiir Yusuf Roble, Cabdiwaxid M. Cabdirahman, Farhan Cali Dahir, Muxsin Sheikh Xaji, Cumar Nur Cali, Siid Cumar Mudeey, waxaana la sheegay in ragaan qaarkood xaalado Caafimaad daro oo sababay in midna lugta looga jaray, midna uu ku dhaga beelay iney la kulmeen mudada 12 sano ay xabsiga ku jireen.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamada Sare Darusalaam ee dalka Tanzania ayaa 9-kii bishaan march qiraalka dambiyada raga budhcad badeeda kadib ku xukumay sadax sano xadhiga ah oo ka dhigeysa iney dhameysan doonaan 15 sano oo xadhiga oo ay ka badbaadeen xabsi daa’inkii ay ku xukunayeen ragaan oo ay ku jiraan dhalinyaro aad u da’yar oo qaarkood aanan qaan gaar aheyn xiligii gacanta lagu soo dhigayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this