Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: IGAD heads of state including Somalia's Yusuf hold talks

Recommended Posts

Nayroobi: Madaxweynayaasha IGAD oo uu ku jira Madaxweyne Yuusuf oo leh kulan albaabada loo xiray.

29. oktober 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynayaasha Urur gobaleedka IGAD oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa leh Kulan Albaabada loo xiray wuxuuna ka socdaa Xarunta Shirka dawladda Soomaaliya iyo Ururka IGAD ay maalmahaan ku shirsanaayeen.

 

Madaxweynayaasha IGAD ayaa la aqoon waxyaabaha rasmiga ah ee ay ka wdaa hadlayaan, balse waxaa la rumeysan yahay in ay ka hadlayaan aaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana waxqabadyadii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya;

 

Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo dawladda Soomaaliya umatalaya shirkaasi ayaa ka hadli doona Xaaladaha Soomaaliya, siiba waxqabadyadii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya isagoo si gaar ah usoo qaadaya amaanka & Siyaasada.

 

Kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada ee Mareykanka uqaabilsan Africa ayaa sidoo kale ayana ka hadli doona xaalada Soomaaliya, waxaana la xasuustaa in ay dhawaan ka codsatay dawladdaha IGAD in waqtiga loo kordhiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Wariyaha AllPuntland ee ku sugan halka uu shirkan ka socdo Liibaan C/Salaan Maxamed ayaa soo sheegaya in ay Suxufiyiintu wali dhowrayaan waxyaabaha ka soo bixi doona shirkan, wuxuuna sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo lugu qabanayo shir-weyne ay dhinacyo badan ka soo qeybgalayaan.

 

Liibaan ayaa sheegaya in ay Ergada dibu xoreyntu ay soo galeen hoolka shirka lana filayo in ay tagaan Shirka Baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynayaasha IGAD oo galabta dhacaya.

 

Shirkan ayaa soo xirmaya saacadaha soo socda.

 

Wixii faahfaahin kala soco www.AllPuntland.com oo uu halkaasi diyaar ugu yihiin Wariyaal arimahan si gaar ah loogu xilsaaray uguna xeeldheer.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this