Sign in to follow this  
Deeq A.

Blinken oo dhawaan booqanaya dalalka Itoobiya iyo Niger

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Booqashadan oo lagu wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha bini’aadannimada.

Blinken ayaa sidoo kale booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price, waxaana booqashadan ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee uu abid ku tago dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Afrika ayaa u soo baxday inay diiradda saareyso Washington, iyada oo dooneysa inay isu muujiso inay tahay saaxiibka dalalka gobolka, iyada oo tartan kula jirta Shiinaha, oo isku dayaya inay ballaariso saameynteeda iyada oo maalgelinaysa mashaariicda kaabayaasha ee qaaradda.

PUNTLAND POST

The post Blinken oo dhawaan booqanaya dalalka Itoobiya iyo Niger appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this