Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya oo Nairobi ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230310-WA0007-768x512-1.jpg?resize

Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka Maamulka guud ee Maaliyadda dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya oo Nairobi ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this