Deeq A. Posted March 10, 2023 Qarankii Somaliland ee sodonka sano kabadan soo dhismayey ee inuu beesha caalamka citiraaf ka helo shacbigiisu inbadan ay rejada ka qabeeni maanta wuxuu ku danbeeyey , kadib mudo dheer oo uu muran siyaasadeed oon jiho lahayn oo gacan kurimis ah oo doorashooyinkii iyo dimuquraadiyadii Somaliland ku faani jirtay. ragaadiyey, waxaa laga dhaxlay arimahan hoosku qoran. 1-Madaxweyne wakhtigiisu dhamaaday oo ku joogta mudo kurdhin aan dariiqeedii loomarin oon laysku waafaqsanayn iyo doorasho madaxweyne oon wakhti ay dhacidoonto lagaranayn. 2-Guurti wakhtigeedu dhamaaday oo isu kordhisay shansano oo qayrul sharci ah oon meela kaga qorayn distoorka iyo xeerarka dalka. 3-Xisbiyadii qaranka oo ruqsadoodu dhacday iyo doorashadoodii oon haabka lagu hayn. 4-Ruqsadii kumeelgaadhka ahayd ee lasiiyey Ururada siyaasada oo wakhtigeedu dhamaaday oon maanta wax sharciyada haysan. 5-Dagaal sokeeye oo dalka kabilaabmay oo keenay dhimasho , dhaawac barakac iyo burbur hantiyeed iyo dhiigbax dhaqaale dhanwalba meeshana kasaaray nabadii Somaliland kufaani jirtay. 6-Dalkii iyo dadkii Somaliland-nimada ku midaysnaa oo maanta dad ka mid ahi ay qaateen mawfif Somaliwey-nimo iyo maamul goboleed ku dhawaaqeen calankiina dejiyeen midkalena qaateen. 7-Shacbiga Somaliland intii soo hadhay oon dhexdoodu isu calool fayoobayn iyo rajaday ka qabeen inay maruun aduunka kaheli doonaan citiraaf oo luntay markay sodon sano kadib raadkoodii diburaaceen. Waxaan kusoo afmeerayaa faaladan tuducyo kamida gabay uu tiriyey AHUN. Abwaan Qaasin 1991 oo uu saluugsanaa qaabkii beelaysnaa ee dawlad nimada Somaliland lagu unkay. Gabaygu wuu badnaaye wuxuu kusoo goynayaa Ardaa-reer waxyaal iyo xilqaran Aadu-kala Wayne Bal in calan astaan lagu dhigto Oo dawlad la,ahaado Oo qaran aduunyada kamida Lagu ekaanaayo Iyo inay gumaysigii horay Eriday doonayso Inoodoora labadaa halkii Aayo noqon doonta. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites