Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed ..North Mogadishu -Jowhar

Recommended Posts

Sharif Ahmed is allowed to speak after they heard the big man Mohamed Dheere has returned to Middle Shabbele. The North Mogadishu-Jowhar clans are high with anticipation. Thus to quite the situation down Xasan Dahir allows his man Sharif Ahmed to speak.

 

The TFG troops are on their way to Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Shariif oo eed dusha ka ga tuuray Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Shii kh Adan Cayrun,

 

Dec26.2006 Radio Free Somalia (RFS)

 

Waxaa isa soo taraya warar beryahanba laysla dhex marayay oo sheegaya in uu khilaaf xoogan ka dhex jiro hogaanka sare ee maxkamadaha , khilaafkaa oo salka ku haya kala qaybsanaan ay mas,uuliyiinta u kala qaybsan yihiin laba koox oo lakala baxay Shuurada iyo Shabaabka.

 

Shiikh Shariif iyo Shiikh Ibraahin Caddow oo beryahanba ka careysnaa hab dhaqameedka ay kula dhaqmayeen , raga kale ee ay howsha ka dhexeyso , sida Aflagaadooyin loo gaystay , oo ay ka mid ahaayeen iyagoo dood ciriiri lagu geliyay shir ay u matalayeen Maxkadaha oo lagu kala qabtay dalalka Sudan, Jabuuti iyo Yemen laguna eedeeyay in aysan shir ka muujin cadka ay Maxkamadaha ku lahaayeen, tan labaad iyagoo lagu eedeeyay iney xiriiro qarsoodi la sameeyeen Wasiiro Itoobiyan ah .

 

Iyadoo ay beryahanba soo ifbaxayeen khilaafyadaa ayaa Waxaa dhacday in Shiikh Fu'aad oo ka mid ah Mas,uuliyiinta Maxkamadaha Qaybta Shabaabka , una qaabilsan dhanka waxbarashada Maxaakimta , ayaa masjid dhexdii ka yiri Waa "GAALO" dadkii ka qaybgalay shirarkii Sudan ee koowaad iyo labaad ku wii ka socday dhanka dowlada iyo dhanka Maxkamadahaba, isagoo ula jeeday Shiikh Ibrahim Cadow oo maxaakinta wakiilkoodii ahaa.

 

Waxaa dhacay oo kale in Shiikh Shariif lagu qabsaday warbixin qoraal ama cajalad inuu ka keeno kulankii isaga iyo Cali Cabdala waxa ay ku wada hadleen , goor ay galeen shir albaabada u xiran.

 

Iyadoo uu khilaafkaa uu sii kordhayay ayaa waxaa kale uu khilaaf weyn soo kala dhexgalay aBu Cuteyba iyo Addan Cayrow oo isaga hor yimi , wiil ladilay oo ay isku hayb ahaayeen Abu cuteyba kan falka dilka gaystayna ay isku hayb ahaayeen Adan Cayrow , dabadeedna loo dhoofiyay dalka Kenya , sidaana uu Abu cuteyba ku carooday oo uu ku hanjabay hadaan gacan ku dhiiglaha dalka lagu soo celin arintu iney meel xun gaareyso.

 

Waxaa kaloo hadana iska hor yimi Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Cabdirahman Muudey oo ahaa Afhayeen Maxkamadaha , khlaafka oo ahaa dagaalo uu iclaamiyay Shikh Indhacade ayuu yiri waxba kama jiraan hadaladii Indhacade oo wax aanu dagaal galeyno may jirto oo dadka baa qalad u fahmay,Shiikh Yuusu Indhacade oo arintaa ka rooday ayaa yiri ama ku hanjabay inaad iska dhahay hadlkaa iyo inkale waad arki doonta goorta ay dhamaato 7 casho ee aan iclaamiyay.

 

Khilaaf fara badan oo soo kala dhex galay dabadeed aya waxaa gogol loo fariistay in laxaliyo khilaafkaa , iyadoo dadka wada fariistay ay ahaayeen Gudiga Shuurada iyo Gudiga Shabaabka , waxaan shirgudoon u ahaa Shiikh Abuukar Cumar Cadaan, nasiib daro waxaa dhacday in uu Yuusuf Indhacade goobta ka istaagay yirina wax aan ku doodna meesha ma yayaalin waxaan idiin balan qaadayaa in meeshaba aan ka saaro waxaa dooda keenay oo ah " Dowlada Fadhiika ah ee Fadhida Baydhaba" waxaan kaga dhacayaa dabada oo waxaan ka dhigayaa dowlad qaxooti ah , waxaa ku celinayaa Godey iyo Garoowe, ee shirka hala inoo xiro

 

Nasiib daro maysan dhicin sidii uu u xisaabtamay Shiikh Yuusuf Indhacade oo waxaa dhacay in isaga ciidankiisii dabada lagaga soo dhacay , uuna dalkii galay Muqdi iyo colaad hor leh oo aan la garanayn halka ay ku dhamaan doonaan

 

Muse Kulow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this