Deeq A. Posted March 9, 2023 Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho. Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, ayaa maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab kasoo qaaday Dubai. Sidoo kale duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta. Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii. Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Shirkadda Fly Dubai oo duulimaadyo ka bilowday Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites